Dowladda Federaalka Oo Soo Dhawaysay Doorashadii Madaxweynaha Galmudug

0
38

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-murtiyeed ay soo saartay waxay soo dhawaysay natiijadii ka soo baxday doorashadii Galmudug ee toddobaadkii hore dhacday , waxayna sheegtay inay u aragto inay u dhacday si xor iyo Xalaal ah

 Doorashadan oo dhacday  3-dii Bishan waxaa ku tartamayay Saddex Murashax ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado, waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf),

Qodobada War-murtiyeedka.

1.Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

2.Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.

3.Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.

4.Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo  kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.

5.Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

Gabagabadii, Dowladda federaalka waxay doorashadda madaxtinimada Galmudug waxay u diraan  wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here