Madaxweyne Gaas: Galmudug Waa La Shaqaynaynaa

0
31

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad Ka jeediyay  xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dowladda Puntland ay diyaar u tahay in galmudug kala shaqayso sidii gudaheeda iyo derikeeda ay nabad iyo horumar kuwada noolaan lahaayeen.

wuxuuu sheegay in Puntland iyo Galmdug ay wadaagaan derisnimo, daaqsin, dhalasho iyo Ganacsi, sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la joojiyo colaada soo noqonoqtay ee ka jirta gobolka Mudug.

‘’  Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay malintii la doortay inuu ka shaqaynaayo Nabada Galmudug gudaheeda iyo tan deriskeedaba, hadalkaas aad ayuu noosoo jiitey, waxaan balan qaadaynaa inaan gacan  kugu siino hirgelinta balan kaaqdkaasi’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland, wuxuuna sii raaciyay

‘’hadaba si intaasi ay u midha dhalaan waxaan u baahanahay maanta laga bilaabo colaada soo noqnoqotay in la joojiyo, runta  nabada loodhaqaaqo, xuduudaha sharciga ah ee soo jireenka ahna la ixtiraamo, siyaasiyiinta iyo hogaankuna shacabka u horseedaan kuwada noolaanshaha  nabad iyo walaaltinimo’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay in goboladda dhexe ee dalku ay u baahan yihiin nabad iyo amni si buu yiri ay ugu soo jeestaan horumarinta dhaqaalaha degaanadooda iyo kor u qaadista nolosha shacabkooda.

Gabagabadii, Dowladda Puntland waxay hore uga soo horjeesatay dhismihii maamul goboleedka Galmudug oo ay sheegtay inuusan buuxin shuruudihii dastuurka ee maamul goboleedka looga baahnaa, waxay kaloo ku eedaysay Galmudug in dhul ka mid ah Puntland uu maamulkooda ka mid yahay oo dastuurka Galmudug lagu qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here