Puntland iyo Galmudug oo mar kale is-afgarad wada gaarey

0
42

Madaxweynayaasha Dowald Goboleedyada Puntland iyo Galmudug Cabdiweli Cali Gaas iyo Axmed Ducaale Geele ayaa tan iyo habeenkii xalay ku lahaa shir magaalaada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug. Shirkan waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Dowald Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Shirka ka dhacay Cadaado ayaa diidarada lagu saarey xaaladda gobolka Mudug, sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa, ooa la isaga kaashan lahaa amniga.

Kulanka kadib ayaa Saddexda Madaxweyne ee maamul goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Puntland waxa ay booqasho ku mareen meelo kamid ah magaalada Cadaado, waxaana ay si wada jir ah ula hadleen Saxaafadda.

Qodabada ka soo abxay kulankooda ayaa ah.

– In si isku mid ah looga hortago colaadaha soo noq-noqda;
– Inla sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya dhameynta colaadaha;
– Inlaga shaqeeyo isu furka magaalada Gaalkacyo ee kala xiran hadda iyo
– Hirgelinta ciidan isku dhaf ah oo kawada shaqeeya amniga gobolka Mudug kuwaas oo ka hortagaya dadka dilalka geysta.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in ay Xaaf ku heshiiyiin nabad, “si daacad ah uga wada shaqeeyaan”, weliba waxaan saraakiil Puntland ah kala hadley in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeeya amniga, cidkasta oo shaqaaqo ka samaysana xadka labada dhinac gacan bir ah ku qabtaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay guddi u sameeyeen ka shaqeeya sidii nabad waarta loo heli lahaa iyo in Magaalada Gaalkacyo amnigeeda lagawada shaqeeyo oo ay noqoto magaalo la isu socon karo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo Cabdiweli Cali Gaas ay nabad ku heshiiyeen, waxaana uu kor u qaadey gacantiisa isaga oo haya gacanta Madaxweynaha Puntland, wuxuuna yiri waa nakaas gacmaha ayaan is qabsaney, ee shacabkayoow idinkuna gacmaha is qabsada.

Xaaf ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacayo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqabada koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel nabada iyo Soomalinimada, oo had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaan horumarka iyo nabada si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga faa’ideystey caleema saarkii Madaxweynaha Galmudug oo maalintii Isniinta ka dhacdey Cadaado oo ay isugu yimaadeen Madaxda Dowlad goboleedyada iyo kuwa Federaalka.

Puntland iyo Galmudug waxaa u dhexeeyey labadii sano ee u danbeysey dagaalo dad badan ku nafwaayeen, Magaalada Gaalkacyo ayaa u kala qaybsan Galmudug iyo Puntland, waxaana u dhexeeya khad cas oo aan la dhaafi karin.

Maamulka Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhismihii Galmudug ku tilmaamey mid aan dastuuriyan ahayn maadaama ay ka kooban tahay gobol iyo badh, waxaana ay diideen in ay aqoonsadaan doorashadii Cadaado ka dhacdey 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here