War murtiyeed laga soo saarey wada hadal u socdey Puntland iyo Galmudug

0
34

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka socdey wada hadal u dhexeeyey ergooyin ka socdey Galmudug iyo Puntland. Wadahaladka ayaa daba socdey shaqaaqooyin iyo dilal gobolka ka dhacay kadib markii reer guuraa rer Galmudug ah u soo hayaameen dhanka daaqsinka Puntland, kadib markii roobkii guga aanu si wanaagsan uga di’in Koonfurta mudug iyo weliba Galguduud.

Labada dhinac ee ergooyinka ayaa isku raacey qodobo gaaraya 7 qodob oo saldhig u noqon kara nabadgelyada labada dhinac, waxaana la isku raacey in saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka noqdo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sciid (Juxaa).

Qodabada ka soo baxay wada hadalka soo biloqdey 12 Juun ayaa ah:

  1. In labada maamul ay is kaashadaan, kana wada shaqeeyaan amniga Gobolka si taasi loo gaarona waxaa la isku raacay:-
    1. a) in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo xilsaaran inay iska kaashadaan, sugidda Amniga Gaalkacayo ee arrimaha la xiriira amniga ka dhexeeya labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland, ayna ka howlgalaan dhacdooyinka dhul daaqsimeedka la xiriira jiidaha.
    2. b) iyo in ay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada.
  2. In si nabad ah lagu wada daaqo dhulka naqu ka baxay, ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan inay soo galaa dhulka roobku ku da’ay ee Puntland, si taasi loo hirgeliyona waxaa la isla gartay:-
    1. a)- In dadka labada dhinac ay si nabad iyo xasilooni ah kuwada daaqaan naqa deegaanada dhul daaqsimeedka ah ee laysugu imanayo, ayna Illaalinta ammniga ee dhul daaqsimeedka dhulka jiidaha ay u xilsaaranyihiin ciidanka isku dhafka ah.
    2. b)- In dadka reer Galmudug ee u naq raacaya deegaanada Puntland aysan hub lasoo gelin gudaha Puntland, iyadoo looga dan leeyahay in laga fogaado wixii keeni kara isku dhac iyo is-coleysi.
  3.  In Puntland si waafaqsan dastuurkeeda ay masuul ka tahay naf iyo maalba dadka Soomaaliyeed ee degan dhulka Puntland ka arrimiso, oo ay ku jiraan dadka reer Galmudug ee usoo hayaamay daaqsinta.
  4. In la sameeyo wacyigelin balaaran oo u dhacda si gooni gooni ah iyo wadajir ah, si loo sooceliyo kalsoonidii dadka, loona hubiyo in naqa lagu wada daaqo si nabadgelyo iyo walaaltinimo ah .
  5. In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado ciddii geysata fal dambiyeed lidi ku ah ammniga, xasiloonida iyo nabad kuwada noolaashaha dadka gobolka Mudug miyi iyo magaalaba.
  6. In labada maamul ka wada shaqeeyaan xalinta wixii raadad ka haray dagaalaadii hore uga dhacay Gaalkacayo sida wadooyinka xiran.
  7. In labada maamul kawada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa dib u heshiisiin dhameystiran mustaqbalka inshallah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here